Somali / Soomaali
Hordhac
Xiligani waa waqti farxad-gelin u ah caruurta dhagoolaha ah, waalidkood iyo dadka kale ee la-shaqeeya. Maxaa-yeelay Barnaamijka Baarista Maqalka ee Caruurta dhalaanka (Newborn Hearing Screening Programme (NHSP)), caruurta dhagoolaha ah hadda waxaa lagu ogaadaa markuu jiro ilaa iyo 8 todobaad aan ka ahayn si caadiga ah ee 22 bilood intuu baaritaanku bilaabmin.
Isbedelo kale ayaa dhacay waqti dhow sida:
· Barnaamijka Adeegaha Gargaarka ah ee Casriyanta Maqalka Caruurta iyo hordhaca gargaarayaasha maqalka dhijitalka ah
· Barnaamijka Taageerada Hore
· aqooonsiga Luqada Dhagoolaha ee Biritan (British Sign Language) (BSL)
Dhamaan waxay sameenaysa waqti horyaalkan si leesku dayo iyo in la-ogaado sida ugu fiican oo caawinkarta horu-marka shaqsiyaadka caruurta dhagoolaha ah.
Dhago la'aan joogtada ah ee caruurtu ku dhalato waxay sameen kartaa cilad xaga luqada ah, wada xariirka iyo waxbarashada. Sidani waxay saameynaysaa dabeecada ilmaha, qiimaha nolosha iyo guul-gaaridda xagga iskuulka. Waxay kaloo sameenkartaa nolosha dhamaan qoyska. Mashruuc cusub ayaa hadda bilaabmay kaasoo naga caawin kara sidaan si fiican u-fahmi lahayn nooca gargaarka ah ee xiliga hore u qalma caruurta dhagoolaha ah siday u-fiicnaan lahaayeen.
Waa maxay qorshaha mashruuca?
Qorshaha ugu weyn waa in la-eego xiriirka u-dhaxeeya 'is dhex-galka', sida:
· deeqaha maqalka haboon
· taageero siin waxbarashada
· sida shaqsiyaadka qoysasku u-shaqeeyaan
iyo ‘natiijooyinka’, ay la-socoto:
· horumarka luqadda
· in la-dhexgalo bulshada
· tayada nolosha qoyska
Marka aanu si-fiican u-fahano shaqada ugu fiican shaqsiyaadka caruurta dhagoolayaasha, waa macquul in la isticmaalo faa'iidooyinka qoyska iyo adeegyada dhamaan dalka UK. Waxaan rajeenaynaa, natiijada ugu dambeysa iney noqoto dhamaan caruurta dhagoolayaasha iney gaaraan ixtimaal fiican noloshooda.
Kor ku noqo
Yaa ka qayb-qaadan doona?
Shamaan qoysaska ku nool dhalka England ilmahiisu lagu cadeeyay inuu yahay dhagool kadib markii uu maray baaritaanka ilmaha dhasha inta ka badan labo sano waa lagugu macsuumayaa inaad ka qayb qaadato baarista. Waxaa kaloo jira wada xaajood kooxeed oo qoysaska leh caruurta dhagoolaha ay ka qeyb qaadanayaan.
Muxuu mashruucu ka koobnaan doonaa?
Waxaa jira qaybo kala duwan oo sadexda-sano ee mashruuca:
· In la-eego luqadda (lagu hadlo iyo calaamadaha), xiriirka, ciyaarta, bulshanimo iyo horumar muuqaalka-jirka ee caruurta dhagoolayaasha lagu cadeeyay barnaamijka baarista.
· Inaad ka ogaato qoysaska inuu la-noolyahay ilmo dhagala iyo sameenta qoyska.
· Hadaad noonayso inaad hesho warbixin ka caawinaysa qoyska iyo ilmaha waxaad ka heli kartaa taageero adeegyo kala duwan.
Maxaa dhici doonaa sanadka ugu horeeya ee mashruuca?
Waxaa jira labo meelood oo aad muhiim u-ah sanadka ugu horeeya ee baarista:
· Inaad hor mariso warbixin qoysaska oo ku saabsan mashruuca iyo sidaad uga qayb-geli lahayd
Qaybtan mashruuca, NDCS waxay macsuumi doonaan waalidiinta inay yimaadaan wada xaajooyinka kooxeed ee dalka oo dhan. Waalidiinta waxaa la-weydiin doonaa inay noosheegaan warbixintee ayay doonayaan inay ogaadaan ee baarista iyo siday u-doonayaan in loogu soo badhigo. Qoysaska qaba ilmaha dhagoolaha ayaa ugu weyn mashruucan.
· Inaad hor mariso jidka aad ku ogaan lahayd sidey luqada caruurta yar-yar ee dhagoolaha oo isticmaala Luqada Dhagoolaha ee Biritan (BSL) inay hori marayso
Hadda imtixaanka keliya ee hubin kara horumarka luqadda ee caruurta fiiri luqadda lagu-hadlo. Imtixaanka ugu badan ee la isticmaalo waa MacArthur Tiradda Xiriirka Horumarka ( “MacArthur Communicative Development Inventory (CDI)”. In sifiican loo cabiro horumarka luqadda dhamaan caruurta dhagaha-la, MacAthur CDI waxaa loo bahan yahay in lagu daro si ilmaha loogu isticmaalo ee isticmaala BSL. Tani waa shaqo dheer tiradda caruurta waalidiintood dhagool yihiin guriga ku isticmaala BSL.
Qaybtan mashruuca waxaa hogaaminaya Jaamacada Macxadka Landhon UCL warbixin dheeraad ah waxaad ka heli kartaa halkan
· www.ucl.ac.uk/HCS/research/EBSLD/ or by contacting Tyron Woolfe by minicom on +44 (0)20 7679 4094.
Sidee waalidiintu uga geyb-gelayaan?
Inta lagu dhexjiro mashruuca, la-taliyaha kooxda mashruuca waxay ka kooban yihiin waalidiin, kuwo khibrad u-leh iyo shaqsiyaad taageera caruurta dhagoolayaasha, si joogta ah ayaa laga wada xaajoonayaa horumarka mashruuca kooxda maamulka mashruuca. Tani aad ayay muhiim tahay qaybta mashruucan, si loo hubiyo waalidiinta caruurta dhagoolaha ah leh waa salka shaqada si joogta ah fursad u-yeelo inaad dhageysato waxay leeyihiin.
Kani waa mashruuc farxad-gelin ah anaguna waan la-socod siinaynaa wixii soo kordha.